Ku soo dhawoow koorsada faahfaahsan!

Koorsada faah faahsani waxay ka kooban tahay 8 cashar oo diirada lagu saarayo barshada qiyamka muhiimka ah iyo qaamuuska.

Waxaad hab kasta u samayn kartaa casharrada diiradda saaraya barashada qiyamka muhiimka ah. Qaamuusku wuxuu ka kooban yahay erayo iyo fikrado muhiim ah oo lagu isticmaalo dugsiga barbaarinta. Qaamuusku wuxuu ka kooban yahay erayo ka badan kuwa lagu soo daray casharrada barashada qiyaamka muhiimka ah, waxaa muhiim ah inaad ku celceliso casharrada barashada qiyaamka muhiimka ah iyo qaamuuska labadaba.

CASHARADA

LA HELI KARO KA DIB MARKAAD DHAMEYSATO KOORSADA HORDHACA AH

Hadafka dugsiga barbaarinta

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • Fahmaa hadafka dugsiga barbaarinta

Casharka ka dib waxaad baran doontaa:

  • Wuxuu yahay hadafka dugsiga barbaarinta
  • Waxay yihiin sharciyada xukuma waxbarashada
  • Waxay tahay waxbarasho

 

Yaa ka shaqeeya dugsiyada xanaanada?

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • Lafahmo cida ka shaqeeysa dugsiyada barbaarinta

Casharrada ka dib waxaad baraneysaa:

  • Cida ka shaqeeysa dugsiyada barbaarinta
  • Waxaan rabnaa in aan mustaqbalka qabanno shaqada
  • Heerka waxbarasho ee kuwa ka shaqeeya dugsiyada barbaarinta

 

Ku saabsan takoorka iyo ula dhaqmida Sharaf dilka

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • Fahmaa waxa ay tahay takoorid iyo ula dhaqmida Sharaf dilka
  • ogaanshaha sharciyada khuseeya

Casharka ka dib waxaad baran doontaa:

  • Waxa takoorka iyo sharaf dilka loola jeedo ficil ahaan

  • Mas’uuliyaddaada inaad gudbiso sharaf dilka

Daryeelka iyo badbaadada

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • Fahmaa micnaha daryeelka, badbaadada iyo amniga ee dugsiga barbaarinta.

Casharka ka dib waxaad baran doontaa:

  • Waxay tahay micnaha daryeelka dugsiga barbaarinta.
  • Waxa aad samayn karto si aad u dareensiiso badbaado iyo badqab carruurta ku dhigta dugsiga barbaarinta.
  • Maxay ka dhigan tahay warbixinta khasabka ah, mas’uuliyadda dadka waaweyn ee ah inay ka warbixiyaan walaaca(wargelinta walaaca).
  • waxa ay tahay xirfad sireedka.

 

La qabsiga iyo taageerada gaarka ah

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • Fahmaa waxa la qabsiga iyo taageerada gaarka ah ee dugsiga barbaarinta.

Casharka ka dib waxaad baran doontaa:

  • Waxaad samayn karto si aad u caawiso carruurta inay guulaystaan.

 

Ka qaybqaadashada iyo saamaynta

Hadafka cashirkaani waa in la: 

  • In la fahmo saamaynta dhabta ah ee jawiga shaqada oo dimuqraati ah. 

Casharka kadib waxaad baran doontaa:

  • Wax ku saabsan doorka ay dadka waaweyn ay ku leeyihiin saamaynta carruurta. 
  • Sidee ayaa carruurta ugu qaybqaadan karaan horumarka waxbarashada.

 

Goobta shaqada

Hadafka cashirkaani waa in la: 

Fahmo sharciyada iyo xeerarka khuseeya goobta shaqada. 

Casharka ka dib waxaad baran doontaa:

  • Xuquuqdaada goobta shaqada.
  • Waajibaadkaaga goobta shaqada.

 

Shaqada tayada habaysan (SKA) ee dugsiyada barbaarinta

Hadafka cashirkaani waa in la: 

In la fahmo waxa ay tahay shaqada tayada habaysan.

Casharka ka dib waxaad baratay:

  • Waxa ay tahay shaqada tayada habaysan 

  • Yaa sameeya waxa ay tahay shaqada tayada habaysan.